Khilaafka Guddoonka G/Shacabka oo sii xoogeystay Labo Farriimo iska soo horjeeda oo loo kala diray BFS

by admin | Wednesday, Apr 4, 2018 | 1007 views

Iyadoo wali ay cakirnaan siyaasadeed ka dhextaagan tahay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada loo kala diray labo farriimo oo iska soo horjeedo, kaasoo ah labo ajande oo u kala gaar ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari iyo kuwa ka soo horjeeda.
Farriin qoraaleed uu ku qornaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa lagu wargeliyay Xildhibaanada inay maalinta berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 4-ta April inay ka soo qeyb galaan kulanka guud ee ajandihiisa yahay Mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiye Jawaari.
Sidoo kale farriimo kale oo la rumeysan yahay inay direen dhanka Guddoomiye Jawaari ayaa lagu waregliyay Xildhibaanada ajandaha kulanka berri oo ah arrinta xuduudka Beledxaawo.
Farriimahan iska soo horjeeda ayaa waxay xambaarsan yihiin dhiilo, marka loo eego ajandayaasha u kala gaarka Xildhibaanada, waxaana laga cabsi qabaa in kulanka berri uu hareeyo fowdo iyo gacan ka hadal.
Waan waantii la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Baarlamaanka ayaa guuldareysatay,iyadoo Guddoomiye Jawaari oo shir jaraa’id qabtay ku sheegay in Madaxweynaha ku guuldareystay dadaaladii xalka ahaa ee uu waday, isla markaana uu isaga ku yiri is casil, taasoo uu ka soo horjeestay, waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha inuu la saftay dhinac, isagoo ka digay cawaaqibka ka dhasha kulanka berri uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.

Like it? Share it!

Leave A Response