Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo Maanta la dhageysanayo{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Sep 28, 2021 | 321 views

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la filayaa in Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ay Hoolka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ku dhageystaan khudbadaha musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Shalay ayaa qorshuhu ahaa in la dhageysto khudbadaha si ay Maanta u qabsoonto doorashada, balse guddiga maamulaya doorashooyinka ay shaaciyeen inay dib u dhigeen.

11 kursi ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ayaa waxaa ku tartamaya kuwo Afartii Sano ee la soo dhaafay kamid ahaa iyo kuwo ku cusub oo hadda doonaya inay tartamaan.

Kursiga koowaad ayaa kaliya waxaa uu u xirnaa in uu u tartamo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi balse Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed uu xalay shaaciyay in la helay Nin la tartamo, kaas oo guddiga doorashooyinka ay diiwangeliyeen, waxaana lagu mahacaabaa Saciid Cumar Xuseen.

Musharixiinta Maanta khudbadahooda jeedinaya oo isugu jira rag iyo Dumar ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

Kursiga Koowaad.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Saciid Cumar Xuseen

Kursiga labaad
1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaaciil

Kursiga Saddexad
1. Layla Axmed Ismaaciil
2. Maxamed Maxamuud Cabdi

Kursiga Afaraad
1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan

Kursiga Shanaad
1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari
2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Kursiga lixaad
1. Bilaal Idiris Cabdillaahi
2. Saynab Axmed Boqore

Kursiga todobaad
1. Saalax Axmed Jaamac
2. Iraahim lidle Saleebaan

Kursiga Sideedaad
1. Siciid Cabdi Xuseen
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Kursiga 9aad
1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas
3. Axmed Maxamed Siciid

Kursiga tobanaad
1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan

Kursiga 11aad
1. Muna Cumar Xasan
2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud ( Gadhweyne)
3. Sucaad Xasan Maxamed.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa inay Hoolka Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, waxaana Amniga xaqiijinaya Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Like it? Share it!

Leave A Response