Koobabkan Lama Dhici Karo!,” – Miyuu Cristiano Ronaldo Ku Digtay Luka Modric Kaddib Abaalmarintii Labaad Ee Uu Ku Gaaracay!? – Aqri Ereyedan

by admin | Wednesday, Sep 26, 2018 | 1045 views

Kaddib markii uu Luka Modric ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan FIFA, masxafka Cristiano Ronaldo waxa ay Social Media la soo dhigay: “Koobabkan laba dhici karo, tani waa yaab.”

Ronaldo iyo Messi midkoodna kama soo qeybgalin xafladdii London ee lagu bixiyey abaalmarinta sare.

Gaar ahaan, taageereyaasha Portugal waxa ay qabeen in Ronaldo u qalmay hanashada biladda kaddib markii uu Real Madrid ku hoggaamiyey Champions League-gii saddexaad oo xiriir ah.

Wakiilka Ronaldo ayaa si daacad a uga haday. “Haddii si fudud loo dhigo waa la yaab.”

Luka Modric waxa uu markii labaad ku garaacday Cristiano Ronaldo abaalmarin habeenkii Isniinta, kaddib markii uu ka wada qaaday laacibka ugu wanaagsan Yurub iyo FIFA best Player.

Like it? Share it!

Leave A Response