Koonfur Galbeed oo ka hadashay Buundo muhiim ah oo Shabaab qarxiyeen{AKHRISO:}

by admin | Saturday, Jun 30, 2018 | 887 views

Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay Buundo loo maro degmada Qoryooley oo ay qarxiyeen Al-Shabaab.

Buundadan ayaa isku xirta Qoryooley, degaanka Danaw illaa Shalanbood ee gobolka Sh/Hoose.

Mas’uuliyiinta Gobolka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay miinooyin ku qarxiyeen Buundada, kaddibna ay burburtay.

C/fitaax Xaaji Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada ee degmada qoryooleey  ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan inay go’doomiyaan degmada Qoryooley.

Waxa uu sheegay in halkaasi ay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, dagaalna ay la galayaan Al-Shabaabka jaray buundada.

Buundadan ayaa waxa ay aheyd Buundo ay isticmaalaan shacabka gobolka ku safra gaar ahaan Beeraleyda, sidaasi darteeda maamulka ayaa sheegay iyaga oo ka duulaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley inay si deg deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi.

Al-Shabaab ayaa horay u qarxiyay buundooyin dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay ku xireen miinooyin, waxaana buundooyinkaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qaar ee gobolka Sh/Hoose,

Like it? Share it!

Leave A Response