Koonfur Galbeed oo Maanta soo geba-gabeyneysa diiwaangelinta Musharrixiinta 5 Kursi

by admin | Tuesday, Jan 18, 2022 | 469 views

Guddiga hirgelinta doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Talaado ah soo geba-gabeeynaya diiwaangelinta & Shahaado siinta Musharrixiinta Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Baydhabo.

Diiwaangelibta ayaa shalay ka bilaabatay Xarunta Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo, waxaana musharrixii ta la diiwaangeliyay ay isugu jiraan kuwo horay ugu fadhiyay kuraasta Golaha Shacabka iyo kuwo ku Cusub Siyaasadda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa 1-dii Bishaan shaaciyay qabashada doorashada 11 kursi oo Shan kamid ah doorashadooda Maalinta Berito ah oo taariikhdu ku beegan tahay 19/1/2022 lagu qabanayo Magaalada Baydhabo.

Maamulada kale ee kajira dalka, sida, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland iyo Puntland ayaa iyana la filayaa inay dhawaan ka billowdaan doorasbada Xildhibaannada Golaha Shacabka si loo fuliyo heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response