Koonfur Galbeed oo sheegtay inay dishay saraakiil Shabaab ah

by admin | Tuesday, Jul 24, 2018 | 894 views

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) ayaa waxa uu shegay ciidanka gaarka ah ee Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda hawlgal ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Baay inay ku dileen saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wasiirka ayaa ciidamada hawlgalkan fuliyay kaga mahadceliyay hawsha ay qabteen, wuxuuna ku amray inay dardar geliyaan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al Shabaab.

Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) Wasiirka amniga ayaa tilmaamay saraakiishan Shabaab in lagu dilay hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Koonfur Galbeed, balse ma aanu sheegin magacyadooda iyo tirada saraakiisha ay dileen.

“Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ciidamada, hawlgaladii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay saraakiil ka tirsan Shabaab, waxaan u nimid sidii loo xoojin lahaa dagaaladaasi, waqti dhaw waxaan rajeyneynaa in dhawaan aan bilawno diiwaangelinta ciidamo cusub.” Ayuu yiri Wasiir (Eelaay).

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Koonfur galbeed oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhabo ayaa shalay gaaray Degmada Qansax Dheere ee Gobolka Baay, waxaana ujeedka safarkooda uu ahaa u kuurgelida xaalada amni ee degmadaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Shabaab iyo sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab ee Gobolka Baay.

Like it? Share it!

Leave A Response