Koonfur Galbeed oo War kasoo saartay dadkii lagu dilay Galgaduud

by admin | Thursday, Jun 13, 2019 | 992 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ay yeeshaan Gollaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ,

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arimaha Amaanka ,Dhaqaalaha, Siyaasadda, waxaana warbixin ku Aadan Amniga laga dhageystay wasiir ku xigeenka wasaarada amniga gudaha kg isaaq Baarrow isaaq waxaana uu ka warbixiyey howlgalada ay wadaan ciidanka xooga dalka iyo kuwa amisom Ee ka socda gobolka shabeelaha hoose.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa marti ku ahaa Gudoomiyaha gudiga shaqaalaha rayidka koonfur Galbeed waxaana warbixin ku aadan habsame usocodka shaqada ay ka dhageysteen Golaha wasiirada iyo Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay dad kasoo jeedda maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dilay gobolka Galgaduud.

Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu Horeeyo Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa tacsiyo tiiraayo le ay udireen eheladii iyo qarabadii ay ka geriyooden dadkaas, waxaana ay xuseen in sida ugu dhow lagu soo qabanaayo dadkii dilka ugeystay dadkii shacabka ahaa Ee aan waxba galabsan iyadoona ay la kaashan doonan Dowlad Goboleedka Galmudug ,lana horkeeni Doono Sharciga.

Like it? Share it!

Leave A Response