Koox Bistoolado Watay Oo Mid Ka Mid Ah Degmooyinka Muqdisho Toogasho Ka Geystay & Amniga Oo Sii Xumaanaya

by admin | Monday, Jan 21, 2019 | 805 views

Dableey Ku hubeysneyd Bistoolado ayaa waxay dil ka geysteen Maanta Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho iyadoo dilkaas uu faah faahin kasoo baxayo.

Kooxda Dilka geystay ayaa rasaas ku shanaqay wiil dhalinyaro ahaa oo marayey Qeyb ka mid ah Degmada Kaaraan Suuqeeda.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka wiilkaasi waxaana ilo wareed deegaanka laga helay ay xaqiijiyeen in loo dilay mobil uu watay uu diiday inuu dhiibo.

Burcad Bistoolado watay ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii maanta dilka ka geystay Suuqa Degmada Kaaraan.

Dilalka Qorsheysan ayaa waxay ka dhacaan Magaalada Muqdisho,waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada Amniga Ee Dawlada ay ka shaqeeyaan ka hortegida Dilalka Soo Laab laabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response