Koox Cunsuriyiin ah oo hor istaagay Xafladii Ololaha Ilhaan Cumar

by admin | Sunday, Aug 12, 2018 | 1173 views

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Koox Cunsuriyiin ah oo kasoo horjeedda dadka Muslimiinta ah in ay Carqaladeeyeen Xaflad Olole oo ay qaban rabeen Ilhaan Cumar iyo Gabadh u dhalatay Falastiin oo u sharaxan Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan iyo  Rashida Tlaib Waxa ay ku tartamayaan kuraas kala duwan,waxaa ay Minnesota ku qabsadeen xaflad ololaha doorashada ay kula hadli lahaayeen taageerayaashooda.

Warbaahinta Mareykanka ayay u sheegeen  Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar in ay hor istaageen kooxda cunsuriyiinta ah oo ay hoggaamineysay  Haweeney lagu magacaabo Laura Loomer, oo uu Muslim naceybka ku badan yahay.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in ay soo gaareen goobta Markii Kooxdaasi ay bilaabeen in ay Carqaladeeyaan Xafladda Ololaha labadda Gabdhood ee Muslimiinta ah.

Gabadha Reer Falastiin ee  Rashida Tlaib,waxaa u tartameysaa Kursiga Kongareeska ee Gobolka   Michigan,halka Ilhaan Cumar ay u tartameyso Kursiga Kongareeska ee Gobolka Minnesota.

Dadka Muslimiinta ah ayaa la kulmaya dhibaatooyin badan oo kaga yimaada Kooxaha Cunsuriyiinta ah ee kasoo horjeedda xilliyadda ay Mareykanka isku soo taagaan xilalka waa weyn.

Doorashadda dhexe ee Mareykanka ayaa waxaa ka dhiman wax ka yar 100 Maalmood, waxaana hadda socda Olole xooggan.

Like it? Share it!

Leave A Response