Koox hubeysan oo caawa dil ka geysatay Muqdisho

by admin | Tuesday, Jun 26, 2018 | 1190 views

Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa caawa xaafada Suuq Yaaraha ee degmada Xamar Jajab waxa ay ku dileen nin ka mid ahaa Odayaasha degmada, kaasi oo si weyn looga garanayay degmada Xamar Jajab.

Dableyda dilka geysatay ayaa marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Culusow oo salaada Maqrib ku soo tugtay Masjidka Xaaji Rajab waxa ay dhowr xabadood kaga dhufteen qeybta sare ee jirkiisa, kadib goobta ayay ka baxsadeen, maadaama ay gaareen dantii ay lahaayeen, oo aheyd in dilaan ninkaasi.

Dilka kadib sida caadada aheyd waxaa goobta soo gaaray Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka dagaalka, goobta ayay ka qaadeen meydka Marxuumka, waxayna caawa halkaasi ka bilaabeen baaritaano la xiriira sida uu dilka u dhacay iyo in gacanta lagu soo dhigo raggii dilka geystay.

Maamulka Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegeen in ay ku baxeen dilkan, waxayna tilmaameen in lagu daba jiro kooxihii dilka geystay, gacantana ay ku soo dhigi doonaan.

Dilalka qorsheysan ayaa siyaabo kala duwan mararka qaar uga dhaca Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda, inta badan dilalka nuucaan oo kale ah waxaa geysta ururka Al-shabaab.

Maalmahan dambe waxaa yaraa dilalka qorsheysan ee ay gaysan jireen Kooxaha Bistooladaha wata, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay hawlgalada lagu sugaayo ammaanka caasimada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response