Koox hubeysan oo Shan Macalin Dugsi Qur’aan ku dilay Shabeellaha Dhexe

by admin | Thursday, Sep 17, 2020 | 363 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Raaga Ceele ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Shan Macalin Dugsi Quraan ku dileen Tuulada Burdheera ama Koogaar oo qiyaastii 50km u jirta degmadaas.

Maleeshiyaadka hubeysnaa ayaa rasaas ku furay Macalimiinta oo xiligaas sida la sheegay  Qur’aan saarayay Haweeney xanuunsaneyd, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Guddoomiyaha degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Risaala u xaqiijiyay falkaasi, isaga oo sheegay in uu ahaa mid aad looga naxo, in kastoo uusan faah faahin ka bixin sababaha keenay dilka macalimiinta.

Majirto cid ilaa iyo hadda loo aaneynayo inay ka dambeeysay falkaasi iyo sababta ay u dileen Macalimiinta Subaca ku jiray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in loo dilay sababo la xirira aanooyin qabiil.

Macalimiinta weerarkaasi lagu dilay ee Magacyadooda la helay ayaa waxaa ay kala yihiin.

1. Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere2. Macalin Maxamuud Canbuure
3. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
4. Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi
5. Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

Like it? Share it!

Leave A Response