Koox hubeysan oo Xabsi ka siidaayay Boqolaal Maxaabiis ah

by admin | Monday, Apr 5, 2021 | 391 views

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday xabsi iyo saldhig boolis oo ku yaalla koonfurta Nigeria, waxay dableyda ku guuleysatay inay xabsiga kasii daayaan maxaabiis ku xirnaa halkaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in saaka ay maqleen dhawaaqa rasaasta xilli kooxda ay weerarayeen xabsiga ku yaalla magaalada Owerri.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay ugu yaraan 30 baabuur oo la gubay iyo dhowr guri.

Ha’yadda Amnesty International ayaa sheegtay in xabsiga Oweri ay ku jireen 2,000 oo maxaabiis ah inkasta oo saraakiisha ay BBC u sheegeen in xabsiga uu qaadi karo 900 oo maxaabiis ah.

Like it? Share it!

Leave A Response