Koox shabaab xoog uga soo furatay maxaabiis

by admin | Monday, Jun 24, 2019 | 717 views

Kooxda Macaawiisley ee ka daalanta gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in Maxaabiis fara badan ay ka soo furatay Al-Shabaab, kadib dagaal ka dhacay nawaaxiga magaalada Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Horjooge ka tirsan Kooxda hubeysan ee Macaawiisley oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay weerareen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale horjoogahan ayaa tilmaamay in ay la wareegeen saldhigyo ciidan, islamarkaana ay sii daayeen dad shacab ah oo kor u dhaafayay 30 Qof oo u xirnaa Kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in arrintani ay ka dambeysay, kadib markii ay sii korortay cabasho uu tilmaamay in ka soo gaareyso dadka deegaanka.

Macaawiisley waa koox shacab ah oo ka dhisantay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ay dagaal ay kula jirtaa Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoog leh laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response