Kooxda Chelsea Oo Dhigeeda Barcelona Ku Wargalisay Qiimaha Ay Ku Heli Karto Wllian & Lacagtan Oo Ah Mid Ku Adkaan Karta Blaugrana.

by admin | Wednesday, Jul 4, 2018 | 1043 views

Kooxda horyaalka England ee Chelsea ayaa dhigeeda Barcelona ku wargalisay qiimaha ay kaga samiri karto garabkeeda Willian kaas oo mudooyinkii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday magacyada liiska xiddigaha ah ee laga dhex hadal hayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Willian ayaa wakhti xaadirkan gudanaya waajibaadkiisa qaran isaga oo xulkiisa Brazil kula sugan dalka Ruushka halkaasi oo ay kaga qayb qaadanayaan tartanka koobka aduunka isagoo kamid ah xiddigaha uu xulkaasi sida weyn ugu tashanayo sanadkan isla markaana kamid ah xiddigaha booska joogtada ah ka haysta shaxda tababare Tite.

Sida iska cad Barcelona waxay xiiso u qabtaa Willian iyadoo laga warqabo inay dhawaan wada hadalo la furtay dhigeeda Chelsea laakiin lama filayo in wax dhaq dhaqaaq ah ay samayso Chelsea ilaa ay ka xalinayso dhibaatadeeda tababare isla markaana ay magacaabayso tababarihii shaqada ka badali lahaa Antonio Conte iyadoo uu haatan ugu cad cad yahay Maurizio Sarri.

Sidoo kale wargeyska kasoo baxa magaalada Barcelona ee lagu magacaabo Mundo Deportivo ayaa dhinaciisa ku waramaya in wada hadalada u dhaxeeya labada dhinac ay yihiin mid horumar samaynaya, wakiilka 29 jirkan oo lagu magacaabo Kia Joorabchian ayaa sidoo kale haatan ku sugan maagalada London.

Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in Willian ay ka go’antahay u dhaqaaqista kooxda ree Catalonia isagoo wakiilkiisa ka codsaday inuu dhex dhexaad ka noqdo wadahadalada labada dhinac, Laakiin arrinta ugu wayn ee caqabada ku noqonaysa inuu heshiiskani hirgalo ayaa ah in Blues ay dalbanayso lacago waali ah oo lagu dheegay inta u dhaxaysa 70 ilaa 80 milyan.

Like it? Share it!

Leave A Response