Kooxda Xamaas oo soo bandhigay muuqaalka Askari Israa’iil ah oo ay qabteen

by admin | Wednesday, Jun 29, 2022 | 353 views

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Falastiin ee Xamaas, ayaa soo bandhigay muuqaal ay ku sheegeen inuu yahay askari Israa’iili ah oo ay qabteen.

Muuqaalkan oo ay soo bandhigeen guutada Al-Qassam ee garabka hubaysan ayaa waxa uu soconayaa muddo 40 ilbiriqsi ah, waana markii ugu horeysay oo Xamaas ay soo bandhigto muuqaal kan la mid ah.

Waxaana ninka Israa’iil u dhashay ay magaciisa ku sheegeen Hishaam al-Sayed, waxaana muuqaalka laga arkayay isaga oo ku jiira sariir lamid ah kuwa cisbitaallada, wuxuuna xirnaa maaskaro, waxaana ku xirnaa qalabka dadka ka caawiyo neefsiga ee Ogsajiinta.

Muuqaalka waxaa sidoo kale laga dheehan karay aqoonsiga maxbuuska oo xabadka loo saaray aqoonsigiisa Israa’iil.

Xamaas maalin ka hor ku dhawaaqay in uu sii xumaaday caafimaadka mid ka mid ah maxaabiistiisa Israa’iil ee u xiran iyaga iyada oo aan la sheegin sababaha.

Like it? Share it!

Leave A Response