Kooxo burcad oo Afduubtay Shaqaalle Saarnaa Markab

by admin | Sunday, Sep 23, 2018 | 854 views

idda ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Badda dalka Nigeria koox burcad badeed ah ayaa afduubtay shaqaalle saarnaa markab,kaasoo maraayay xeebta Bonny,oo u dhaw Port Harcourt.

Shaqaalaha markabkaan oo lagu magacaabo Massoel ayaa waxay sheegeen in bucad badeedaani ay markabkaani oo siday Qamadi ay xoog ku soo koreen.

Burcadda ayaa la tagay 12 ka mid ah 19 shaqaalihii markabka saarnaa.

Shirkadda iska leh markabka ayaan wali shaacin dalalka ay ka soo kala jeedaan shaqaalihii saarnaa markabka la afduubay.

Weerarada ay qaadaan burcad badeeda ayaa ku sii badanayay biyaha dalka Nigerian muddooyiinkii ugu dambeeyay.

Bishii May ee sanadkan 11 ka mid ah shaqaale saarnaa Markab ayaa laga afduubtay goobta lagu magacaabo Port Harcourt, waxaana la haystay 4 toddobaad.

Like it? Share it!

Leave A Response