Kooxo dil & dhaawac ka gaystay Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay

by admin | Wednesday, Jul 18, 2018 | 1196 views

Ciidamada isku dhafka ah ee u xilsaaran ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay Koox maanta dil iyo dhaawac ka geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dableyda hubaysan ayaa Xaafadda Garsoor waxaa la sheegay qof shacab ah inay ku dileen, lama garanaayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka qofkaasi shacabka ah ay u gaysteen.

Sidoo kale kooxaha hubaysan ayaa rasaas ku furay gaari siday qaad, kaasi oo maraayay bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Ammaanka waxa ay sheegeen in ay soo qabteen ku dhawaad 3 ruux oo falkaan lagu eedeyay,islamarkaana hadda ay ku waddaan baaritaano.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in dadka Shacabka ay ka caawiyeen soo qabashadda kooxaha geystay dilka iyo dhaawaca.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa soo hagaagaayay tan iyo markii halkaasi ciidamo loo sameeyay,kuwaasoo hoos yimaada dowladda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response