Kooxo hubeysan oo dilay mid ka mid ah nabadoonada si weyn looga yaqaano Hiiraan

by admin | Saturday, May 28, 2022 | 448 views

Kooxa hubeysan ayaa xalay Xaafada Xaawo-taako ee Magaalada baladweyne ku Dilay Nabadoon Cali dheere oo kamid ahaa Waxgaradka ugu Miisaanka Culus Magaalada baladweyne .
Nabadoonka ayaa la dilay xilli la sheegay in uu kusii jeeday xaafaddiisa markii laga soo baxay Saaladda Cishaha.

Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi gaaray laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya oo bilaabay baaritaano.
Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa faraha kasii baxayay Maalamahii ugu dambeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response