Kooxo hubeysan oo rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah G/Galgaduud.

by admin | Thursday, Jul 19, 2018 | 1005 views

Wararka ka imaanaya gobalka galgaduud ayaa sheegaya in  gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo ka amba baxay deegaanka Huurshe,  kuna sii jeeday deegaan lagu magacaaabo Mayaraan oo dhinaca galbeed ka xiga deegaanka xeraale  jidka loo galay.
Kooxo maleeshiyaad ayaa waxaa la sheegay in weerarka ay ku qaadeen shacab saarnaa gaariga iyo ciidamo la sheegay in ay ka tirsan tirsan yihiin kuwa galmudug,iyadoona mudo saacadaha ay dagaalamayeen.
Labo qof ayaa ku dhaawacantahay,dagaalka u dhexeeyay ciidamada iyo maleeshiyaadka hubeysan,iyadoona saakay la soo warinayo in xiisad dagaal uu ka taagan yahay degmada xeraale ee gobalka galgaduud.
Dadka deegaanka  ayaa  u sheegay warbaahinta  in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,  balse ilaaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah, inkastoo la sheegay in dadkii ku dhaawacmay dagaalka loo qaaday degmooyinka dhuusamareeeb iyo Caabudwaaq.

Like it? Share it!

Leave A Response