Kulamo Caawa ka socda Beledweyne

by admin | Wednesday, Jun 12, 2019 | 707 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne Xarunta Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa ay halkaasi ka socdaan kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Madaxweyne Waare iyo qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Beledweyne.

Kulamaddaan ayaa ka socda Xeradda Ciidanka AMISOM ee Duleedka Magaalada Beledweyne, waxaana looga hadlaya sidii loogga hortagi lahaa Banaanbaxyadda ka bilowday Magaalada.

Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada ayaa sheegay in ay doonayaan in ay waan waan ku dhameeyaan Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa maanta dibadbaxayaal careysan iyo Ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed u diideen in gudaha uu u gala Magaaladda Baladweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response