Kulamo gaar gaar ah oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb{sawiro}

by admin | Thursday, Jul 9, 2020 | 485 views

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka socda kulamo loogu diyaar garoobayo shirka gelinka dambe ee Maanta halkaasi uga furmaya Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi waare ayaa Guriga Dhuusamareeb laag dejiyay waxaa ku booqday Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Samad Macalin Maxamuud, waxaana ay ka wada sheekeysteen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa dhankiisa waxaa uu wadaa kulamadii ugu dambeeyay oo ku saabsan la tashiyo sidii uu ku qabsoomi lahaa Shirka gaarka ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana amniga sugaya Ciidamo ka tirsan kuwa qeybta 21aad kuwa Nabadsugida & Booliska Soomaaliya,waxaana saacadaha soo socda halkaasi tegaya Madaxweynayaasha Maamulada, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyaga oo mid kasta uu wato ilaalo u gaar ah.

Like it? Share it!

Leave A Response