Kulamo ka socda Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne

by admin | Friday, Jul 12, 2019 | 872 views

Warar laga helayo Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi ay ka kala socdaan kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Kulamada ayaa la sheegay inay salka ku hayaan khilaafka u dhaxeeya Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, iyada oo la sheegay in uu socdo mooshin laga qorayo guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Cusmaan Barre Maxamed.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle aya qoraal uu u diray xildhibaanada Hir-Shabeelle waxaa uu ka dalbaday inay si deg deg ah ugu soo laabtaan Jowhar, si kulamada baarlamaanka dib ugu bilaawdaan,waxaana kulamo looga hadlayo arrimhaasi ay ka socdaan Magalada Jowhar.

Dhinaca kale Wararka laga helayo Baladweyne ayaa iyana waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Cusmaan Barre Maxamed uu kulamo Baladweyne kula leeyahay qaar ka mid ah Xildhibaannada, iyada oo shalay uu kulan qado ah uu u sameeyay Xildhibaanada.

Xaalka Baarlamaanka Hir-Shabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ahaa mid aan deganeyn,waxaana Xildhibaannada qaar ay Warbaahinta isku marsiinayeen hadalo kala duwan oo ku saabsan furitaanka kulamada Baarlamaanka Hir-Shabelle oo uu hakiyay guddoomiye Cusmaan Barre Maxamed iyo in uu jiro mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Cusmaan.

Like it? Share it!

Leave A Response