Kulamo ka socda Muqdisho & musharixiinta oo wada qorsho ka dhan ah Guddiyada doorashooyinka

by admin | Sunday, Nov 22, 2020 | 360 views

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo ay leeyihiin xubnaha mucaaradka ee Musharixiinta Madaxweynaha, kulamadaas oo ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka & Gudiyada dorashooyinka Soomaaliya.

Kulamada oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intiisa badan ay musharixiinta uga doodeen Gudiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Hay’adda Nabadusgida Soomaaliya iyo Shaqaalaha dowladda.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug ee kala ah, Xasan Sheekh, Xasan Cali Kheyre, C/kariin Guuleed, Dahir Geelle, C/raxmaan C/shakuur iyo Mustaf Dhuxulow ay la kulmeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), iyaga oo gudbiyay cabashadooda Guddiga doorashada ee Galmudug oo la sheegay inay ku jiraan xubno Nabadsugida ka tirsan.

Dhinaca kale musharixiinta kasoo jeeda Hir-Shabeelle ee  kala ah, Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin ayaa  waxaa la filayaa inay xiriir la sameeyaan Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Cali Guudlaawe, iyaga oo u gudbin doona cabashadooda xubnaha Guddiga doorashada uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Waare, Guddigaas oo la sheegay inay ku jiran Shaqaalo ka tirsan Dowladda & Xubno kamid ah NISA.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee gaaraya 12 Xubnood oo Maanta Maalintii labaad Guda galaya Shirka u dhaxeeya ayaa waxaa ay xooga saari doonaan sidii isbedel loogu sameyn lahaa Guddiyada doorashooyinka Maamulaya oo ay Magacaabeen Ra’iisul Wasaare Rooble & Madaxweynayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed..

Like it? Share it!

Leave A Response