Kulamo looga hadlayo khilaafka doorashooyinka oo Muqdisho ka socda

by admin | Thursday, Jan 14, 2021 | 360 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen guudlaawe oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo uu la qaadanayo Xubnaha Midowga Musharixiinta, isaga oo kala hadlaya arrimaha khilaafka doorashooyinka.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana labada mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, iyo sidii looga gudbi lahaa is mari waaga taagan oo loo xallin lahaa is mari waaga taagan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu door ka qaato xalka gaarista khilaafka doorashooyinka, sidoo kale uu iska xaliya xubnaha kasoo horjeeda Maamulkiisa.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen guudlaawe ayaa shalay waxaa uu la kulmay Madaxweyn ihii hore ee Galmudug Cabdi Kariin Guuleed oo kamid ah Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, iyaga oo ka wada hadlay khilaafka doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response