Kulan isfahmi waa ku dhamaaday oo dhaxmaray Odayaasha Dagmada Bulo-burde iyo Madaxweyne Waare.

by admin | Monday, Jan 6, 2020 | 608 views

Kulan saacado badan qaatay oo dhaxmaray Madaxweyne waare iyo odayaasha dhaqanka dagmada Bulo burde oo is fahmi waa ku dhamaaday .

qaar kamid ah odayaashii ka qeyb galay kulanka Madaxweynaha hirshabelle uu la yeeshay odayaasha ayaa sheegay in la isku fahmi wayay labo arin oo ay kala wateen Madaxweyne waare iyo Odayaasha .

Madaxweyne waare ayaa odayaasha ka codsatay Gudoomiyaha Cusub ee dhawaan so magacaabeen in ay on go laadaan odayaasha si loo bilaabo dhismaha Golaha Deegaan dagmada bulo burte balse odayaasha ayaa ka horyimid hadalka madaxweynaha taas oo sababta in kulanka lagu kala kaco

Odayaasha ayaa hal arin u so jeediyay Madaxweynaha Hirshabelle oo ah in ay bilaabaan dhismaha Golaha degaanka hadii kale ay iskaga baxaan dagmada madaama ay sheegaan in hirshabelle aysan wax wanaagsan u haaynin shacabka Dagmada bulo burde

Like it? Share it!

Leave A Response