Kulan loogaga hadlayay dhismaha golaha deegaanka oo Jowhar lagu qabtay

by admin | Saturday, Jul 20, 2019 | 700 views

Kulan loogaga hadlayay dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Jowhar ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabelle,Maamulka gobolka Sh/dhexe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.

Dadkii ka qeybgalay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Madiino Caddow,guddoomiyaha ururka Duubab Plas Axmed Colow Beerey waxayna sheegeen inay soo dhoweeynayaan dhismaha golaha deegaanka degmada Jowhar oo soo maray heerar kala duwan.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo hadal gaaban ka jeediyay kulankaan ayaa sheegay in qiime weyn ay ugu fadhido maamulka gobolka in la dhiso golaha deegaanka uuna soo dhoweynayo.

Ugu dambeyntii waxaa kulankan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cali Caadle waxana uu markale ku celiyay in Shacabka ay tahay in ay soo xulaan xubnaha golaha deegaanka.

“Waxaan ku dadaali doonaa sidii xubnaha la soo doorto ay horumar u gaarsiin lahaayeen shacabkooda,waana in qoondada haweenka tixgelin la siiyaa.”ayuu yiri Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ay wada qorshe lagu soo dhisayo Golayaal deegaan oo laga hirgelinayo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response