Kulanka guddiga amniga oo looga hadlay qodobo dhawr ah

by admin | Tuesday, Sep 4, 2018 | 895 views

Kulanka todobaadlaha ah ee guddi hoosaadka amniga golaha wasiirrada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka, dib-u-habaynta ciidanka iyo dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada.

Kulanka ayaa lagu shaaciyay in lagu guulaystay qorshahii ay soo bandhigtay wasaaradda amniga gudaha ee ciidamda hubaysan ee NISA loogu wareejinayay taliska booliiska.

Iyada oo la tixraacayo go’aankii ay gaareen golaha wasiirrada 26-kii Luulyo 2018 ee farayay in ciidamada Booliisku la wareegaan hoggaanka sugidda amniga ayaa waxaa dhammaan ciidamada nabad sugidda iyo hubkoodii –marka laga reebo ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya – lagu wareejiyay taliska booliska Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha ciidamada ayaa sidoo kale looga hadlay dardar-gelinta diiwaan-gelinta ciidamada, gaar ahaan nidaamka casriga ah ee kaydinta xogta shakhsiga, si loo fududeeyo xuquuqdooda.

Klanka ayaa lagu falanqeeyay qorshaha sugidda amniga iyo dib-u-dhiska garoonka ciyaaraha Muqdisho, waxaana taliska booliiska Soomaaliyeed uu soo bandhigay qorshe faah faahsan oo suura gelinaya in garoonka lagu ciyaaro, ammaankiisana la sugo.

Like it? Share it!

Leave A Response