Kumannaan Muslimiin ah oo Maanta u dareeray gudashada rugniga ugu weyn Xajka

by admin | Thursday, Jul 30, 2020 | 393 views

Dad gaaraya toban kun oo Xujey muslimiin ah ayaa maanta gudanaya mid Kamid ah rugniyada ugu muhiimsan acmaasha Xajga oo ah istaagga Buurta Carafo,

Xujeyda sanadkaan ayaa ah kuwo aad u yar,iyada oo la xakameynayo Faa-fida Cudurka Covid19 oo saameyn xoogan ku yeesha guud ahan Caalamaka.

Xujeyda ayaa lagu wadaa in marka ay dhacdo qoraxda ay u dhaqaaqaan dhanka Musdalifa, si ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka.

Muslimiin badan oo manta sooman ayaa u diyaargaroobaya munaasabadda ciidul adxaa oo ku began maalinimada berrito ah.

Like it? Share it!

Leave A Response