La taliyihii lagu eedeeyay in uu Trump siiyay xog khaldan oo iscasilay

by admin | Tuesday, Dec 1, 2020 | 362 views

La taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee coronavirus, Scott Atlas, ayaa is casilay.

Dr Atlas oo lagu muransanaa ayaa isaga oo u mahad celinaya Mr Trump, wuxuu sheegay inuu “mar walba ku tiirsanaa sayniska iyo caddeymihii ugu dambeeyay isagoo aan eegeynin siyaasadda amaba aysan jirin wax fara gelin ah”.

Afartii bilood ee uu xilka hayay, wuxuu su`aal geliyay baahida loo qabo maaskarada wejiga iyo tallaabooyin kale oo lagu xakameynayo xanuunka safmarka ah.

Waxay sidoo kale dhowr jeer isku dhaceen xubnaha kale oo kooxda coronavirus.

Ninkan ku takhasusay raajada wuxuu kooxda ku biiray bishii August, wuxuu sidoo kale ka soo horjeeday xayiraadaha isaga oo taageersanaa fekerka ah in qofka uu xanuunka kaga adkaado difaaca jirkiisa.

Khubarrada caafimaadka bulshada sida Dr Anthony Fauci iyo Xarumaha Xakameynta iyo Kahortagga Cudurka (CDC) ayaa ku eedeeyay Dr Atlas inuu Madaxweyne Trump siiyay xog khaldan oo marin habaabin ah oo ku saabsan faafitaanka fayraska.

Like it? Share it!

Leave A Response