Laamaha Ammaanka oo baadi goobaya Koox dooneysay inay dil geysato

by admin | Monday, Aug 10, 2020 | 383 views

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ay kusoo qabteen Darawalada dhowr Mooto Bajaaj oo ka dhex- Shaqeysa Gudaha iyo daafaha Magaalada.

Howlgalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii lagu eedeeyay in mid ka mid ah mootooyinka bajaajka lagu ka xeystay wiil dhalin yaro ah islamarkaana koox hubeysan ay doonayeen in ay toorey ku dilaan wiilka, balse ay dhaawac xun ay u geysteen.Wiilka dhalin yarada ah ee la dhaawacay ayaa la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaala magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud si halkaasi loogu daaweeyo.

Saraakiisha Ciidamada booliska Galmudug o howlgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in baaritaan rasmi ah ku sameyn doonaan darawalada ka xeeya mootooyinka Bajaajka, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka dambeeyay inay dhaawac u geystaan wiilka dhalin yarada ah.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay kamid tahay degaannada ugu amniga wanaagsan Magaalooyinka Galmudug, waxaana ku Shaqeeya Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response