laamaha Ammaanka Somalia oo gacanta ku dhigay Nin ku labistay dharka Dumarka

by admin | Sunday, Jul 12, 2020 | 421 views

Ciidamada Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa xalay gudaha degmadaasi ay ka qabteen Nin la sheegay in uu ku labisnaa dharka Dumarka,kaas oo Magaalada lagu arkay.

Ninkaan oo aan wadan wax hub ah ayaa dadka ku nool degmada Balcad ay sheegeen in laga qabtay, isaga oo dhex socda bartmaha Magaalada, hayeeshee aysan ogeyn waxa uu damacsanaa.

Saraakiil ka tirsan Maamulka degmada Balcad ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in Ninkaasi ay xabsiga dhigeen,isla markaana baaritaano ay ku socdaan, sidoo kalena ay uga shakisan yihiin in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Degmada Balcad tuulooyin hoostaga ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo mararka qaar degmada ku qaada weeraro geysta khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Like it? Share it!

Leave A Response