Nigeria oo ku dhawaaqday qorshe dani ugu jirto Dadka Afrikaanka ah

by admin | Thursday, Dec 12, 2019 | 648 views

Xukuumadda Nigeria ayaa ku dhawaaqday in dalkasta oo afrikaan ah, oo doonaya inuu soo booqdo uu Fiisaha heli doono kolka uu soo gaaro garoonka.

Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa sheegay inay arrintan u sameeyeen si ay u fududeeyaan isu socodka gudaha qaaradda Afrika.

Bishii July dalka Nigeria waxa uu saxiixay heshiiska ganacsiga xorta ee qaaradda Afrika, taasi oo sahlaysa hormarinta ganacsiga.

Like it? Share it!

Leave A Response