Labo Arin oo Hiiraan ka dhigeysa gobol aan ka mid aheyn Maamulka Hirshabeelle

by admin | Saturday, Dec 8, 2018 | 722 views

Xildhibaan Maxamed Kheyre oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu waxyaabo badan kaga duwan yahay gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay caqabad kunoqon doonto maamulka Hirshabeelle.

Gobolka Hiiraan ayuu sheegay in maalin kastaa laga soo xareeyo dhaqaalo ka badan 10 kun oo doolar, oo canshuur ahaan looga soo ururiyo magaalooyinka waaweyn ee gobolka, balse si qaldan loo isticmaalo.

Xildhibaanka oo ka hadlayay Barnaamij ka baxayay Mid kamid ah TV-yada Soomaalida, ayaa sheegay in Dhaqaalaha Gobolka Hiiraan ay ku dhacaan gacanta Shaqsiyaad si qaldan u adeegsado lacagtaasi oo ka badan 15 kun oo Doolar.

“Lacagta Hiiraan kasoo xarooto maalintii waa 15,000 kun oo doolar, waxay ku dhacdaa gacan qaldan, sida Shabeelaha Dhexe masoo marto hanaanka saxda ee wasaaradda Maaliyadda, Hiiraan wuu ka duwan yahay Shabeelaha Dhexe, Ciidanka jooga meelaha canshuurta  lagu qaado iyo shaqsiyaadka maamulka ah ayay gacantooda gashaa lacagtaasi”ayuu yiri xildhibaanka.

Wuxuu sidoo kale sheegay arinta labaad ee Hiiraan uu kaga duwan yahay Shabeelaha Dhexe inay tahay isbadalka badan ee dhanka maamulka, waxaana u sabab ah sida uu sheegay awooda ciidan iyo midda beeleed ee shaqsiyaadka loo magacaabayo maamulkaasi.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in ruux kasta oo la magacaabayo laga fiiriyo hubka iyo ciidanka uu heysto, waxaana wali ku dambeeya Qabiilka iyo isku awood sheegashada, sida uu hadalka u dhigay.

Labadaasi qodob ayaa ka dhigeysa Hiiraan mid ka duwan Shabeelaha Dhexe oo aan kamid aheyn maamul ahaan, maadaama wasaaradda maaliyadda aysan awood u laheyn hanaanka Maaliyadda inay marsiiso dhaqaalaha kasoo xaroodo.

Sidoo kale waxaa cad in dhaqaalaha Hiiraan ka yimaado ay ku laabtaan Shacabka Hiiraan, balse kan Shabeelaha Dhexe ka yimaadana uu ku dhaco  qasnada maamulka islamarkaana la wada qeybsado.

Like it? Share it!

Leave A Response