Labo Wiil oo Jaamiciyiin ah oo lagu dilay Boosaaso

by admin | Saturday, Sep 15, 2018 | 897 views

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ku dilay labo wiil oo Saaxiibo ah sidoo kalena dhawaan ka qalin jabiyay mid ka mid Jaamacaddaha ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal Labada Wiil ee la dilay oo saaxiibo ahaa, ayaa waxaa dilkooda uu ka dhacay nawaaxiga halka loo yaqaan Huurse ee Bartamaha Magaalada Boosaaso, meel ku dhaw Suuqa wayn ee Magaalada, halkaasi oo ay wada fadhiyeen xilliga la dilaayay.

Magacyada labada wiil ayaa lagu kala sheegay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin) iyo C/kariin C/qaadir, waxayna ka mid ahaayeen ardaydii ka qalin jebisey Jaamacada Bariga Afrika Boosaaso Gaar ahaan kuliyada maamulka iyo Maareynta Ganacsiga Dufcaddii 27-aad ee ka baxday June 2018.

Mid ka mid ah Wiilasha la dilay ayaa wuxuu macalin ka ahaa Iskuulka Towfiiq ee ku yaalla aaga halka loo yaqaan Raxma, magaaladda Boosaaso.

Cabsi badan iyo Argagax ayay ku rideen Shacabka kunool Boosaaso dilka xalay loo geystay labaddan wiil, iyadoona Hay’addaha Ammaanka gobolka Bari ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.

Like it? Share it!

Leave A Response