Liiska Xildhibaanada cusub ee Koofur Galbeed oo la soo saaray (Danjire Cali Fiqi oo ka mid ah)

by admin | Thursday, Mar 19, 2020 | 688 views

Guddiga Farsamada Madaxa Banaan ee soo xulsita Xildhibaannada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa maanta soo saaray Liiska Xildhibaannada Baarlamaanka Labaad ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Koofur Galbeed ayaa ka kooban 95 Xildhibaan, kaasoo ka yar Baarlamaankii hore ee Koofur Galbeed, kaasoo tiradiisa boqol ka badnaa.

Liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ahaa mid kuraasta loogu kala qeybiyay beelaha, gaar ahaan habka awood qeybsiga ee 4.5.

Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa waxaa ku jira Amb. Cali Saciid Faqi oo ahaa Danjirihii dowladda Soomaaliya u fadhiyay Midowga Yurub, waxaa in muddo ka soo muuqanayay safarada dibadda ee Madaxweyne Farmaajo.

Amb. Cali Faqi ayaa loo wadaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed, waxaana dad badan saadaalinayaan in sababta uu uga mid noqday Baarlamaanka Koofur Galbeed ahay inuu damac uga jiro xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Halkan hoose ka akhriso Liiska Xildhibaannada.

 

   

Like it? Share it!

Leave A Response