Loolanka shirkadda Google iyo OpenAI

by admin | Thursday, Mar 23, 2023 | 282 views

Shirkadda Google ayaa si rasmi ah u daah-furtay barnaamijkeeda BardAI kaas oo tartan kula jira ChatGBT ee shirkadda OpenAI, ayada oo la xasuusan yahay in todobaadkii hore la sii daayay wajigiisa labaad oo ahaa ChatGBT-4.

ChatGBT waa barnaamij ku shaqeeyo caqli sameys (Artificial Intelligence), waxa uuna awood u leeyahay in uu garab kaa siiyo weydiimaha aad u baahan tahay jawaabahooda, waxa aadna u wada-sheekaysan kartaan qaab-fariin-qoraaleed (Chatbot), asiga oo ku siinaayo falcelin uu dhisay (generate).

Waxa ay tani dhalisay in ay ciriiri dhanka suuqa ay ku abuurto shirkadda Google, maadama ay ahayd keyd iyo il xogaha laga raadiyo (search engine) si fudud, waxa ay natiijadu noqotay in ay si degdeg ah kaga jawaabto barnaamjika ChatGBT, ayaga oo saaxadda keenaayo mid la tartami karo barnaamijkaan soo ifbaxay November, 2022-kii.

Dhanka kale barnaamijka Google ee BardAI ayaa u shaqeyn doona sida ChatGBT, waxaana ay ku wada tartamayaan suuqa ay hore gacanta ugu heysay kuna xoogganeed shirkadda Google. Lollankaan u dhaxeeyo labada shirkadood ayaa noqon doona jiha hor leh ee dhanka teknoolajiyadda, taas oo aan laga hordhici karin, is la markaana saamayntiisa leh, dhan walba.

Waxaa saameynta teknoolajiyaddani cusub ChatGBT, lugta horeba laga dareemay saaxadda waxbarashada ee Iskuullada iyo Jaamacadaha ayada oo Ardaydu barnaamijkaan u adeegsadeen in ay kaga shaqeeyaan diyaarinta shaqo guriga, Buugga qalibjabinta, qishka imtixaanaadka iwm.

Isbaddeladaasi ayaa imaanayo iyada oo saaxadda uu ka maqan yahay barnaamijka ay Google daah-furtay ee Bard, waxaana saamayntiisa ay ka sii ballaaranaysaa marka ay si toos ah ay mudda suuqa labadoodu ku tartamaan.

ChatGBT in uu saaxadda ku soo biiray waxaa durba la dareemay sii xoogaysiga dayaca dhanka hanti-maskaxeedka (Intellectual Property) is la markaana ay fududaatay xatooyada cilmiga (Plagiarism), sida ay macaahidda qaar ku doodayaan. Waxaana dunida horumartay, si gaar ah dalalka uu saameyntiisa gaaray, ay is ku howleen sidii ay u xakameeyaan lahaayeen saameynta ay teknoolajiyadda cusub la timid.

Barnaamijka ChatGBT oo muddo bilo ah hawada ku jira ayaa Ardayga lagu magacaabo Edward Tian oo labaatan iyo labo sano jir ah, ayaa keenay xalka dhibaatada billowga ah ee ay Ardaydu u adeegsanayaan howlahooda gaarka ah, asiga oo keenay barnaamij lagu magacaabo GPTZero, kaas oo awood u leh in uu kala saaro qoraallada iyo xogaha lagu diyaariyay Caqliga Sameyska (Artificial  Intelligence) iyo kuwa uu bani’aadanka qoray. Waxaana ay tallaabadaasi ay noqotay mid lagaga baaqsaday in isbaddel uu ku yimaado hannaanka waxbarid ee Ardayda ee dalalka qaar.

Like it? Share it!

Leave A Response