Ma Aha Barcelona: Waa Kuwee Afarta Kooxood Ee Wadnaha U Galay Real Madrid?

by admin | Monday, Oct 15, 2018 | 1006 views

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay dhamaadka sannadka ka qayb gasho tartanka kooxaha adduunka ee loo yaqaano Club World Cup oo haddaba lasii ogyahay in afarta kooxood ee Al Ain oo ka dhisan waddanka UAE ee tartanka martigelinaya, Team Wellington oo kusoo guuleysatay Champions League waddamada Oceania kana dhisan New Zealand, Chivas de Guadalajara oo haysata Champions League waddamada woqooyiga America kana dhisan dalka Mexico iyo Real Madrid oo haysata Champions League qaaradda Yurub.

Afartan kooxood waxa kusoo biiri doona hal naadi oo imanaya Afrika iyo hal naadi oo kale oo soo bixi doona tartan aan weli dhamaanin oo ka socda qaaradda Latin America, kuwaas oo ah caqabadda ugu weyn ee Real Madrid ay kasii baqaysa inay dhibaato badan kala kulanto.

Like it? Share it!

Leave A Response