Ma ogtahay in qaraxyadda inta eeysan dhicin la sii ogyahay?{sawiro}

by admin | Tuesday, Jul 17, 2018 | 1079 views

Dad civil servants-ka ka mid ah waxeey iisheegeen in mararka qaar inta aanu qaraxba dhicin dadka qaar fariimo (Messages) loosoo diro, iyadoo loosheegayo xitaa meelaha lagusoo maqan yahay.

Dadka fariimahaa loosoo dirayo iyagoon cidkale usheegin ayey goobihii si tartiib ah ufiraaqeeyaan, ama maba soo shaqo tagaan hadii goor hore eey helaann fariinta. Marka asxaabta “Meesha” kala shaqeeysa weeydiiso, walaaloow maxaad inoogu sheegi weeysey, waxeey ku jawaabaan, “Ma rabo in aniga hadhoow la iqabsado, oo la idhaho Qaraxa waxbaad ka ogeyd, ama qaraxyada ayaadba wax ka abaabushaa!

 

Marka cidaa ibadbaadineeysa abaalbaan uga hayyaa. Af daboolanna dahab”.

Sirdoonka Xarunta Xalane buux-dhaafiyey, iyo mas’uuliyiinta hey’adaha Qaramada midoobay, ayaa marka baabuur qaraxyo lagasoo buuxiyey magaalada kujiraan, waxeey fariimo udiraan shaqaalahooda iyo dadka siyaabaha kala duwan ulashaqeeya iyagoo usheegaya in magaalada baabuur qaraxyo sida magaalada kujirto, waliba ugu dara in goob heblaayo iyo goob heblaayo lagayaabo in lagalo.

 

Dadkaa fariimaha loosoo dirayo Xarumaha Amniga magaarsiiyaan intioda ugu badan, kuwaa fariimaha asalkooda soodirayana Hey’adaha Ammaanka kalama shaqeeyaan waxa eey ogyihiin, maxaayeelay dantoodabaa sidaa kujirto, maxaayeelay Malaayiinta Doolar ee lagucuno magaca Soomaaliya wuusoo afjarmayaa hadii eey Soomaaliya xasisho, dalkoo dhanna uu dowlad Soomaaliyeed gacanta uwada galo, sidaa daraadeed iska daa in dowlada lagu caawiyo qarax ka hortagiise, waxaaba lagayaabaa in waxkastoo xaalada Soomaaliya hadda kujirto loogusii heynkaro waa lasameeynayaa.

 

Waad lawada socotaan in qeybo ka mid ah AMISOM lagu qabtay iyagoo Hub, dress iyo shidaal iibinaya, isla dress-kaana Shabaab ciidamadii looga qabtay meelaha qaar wadawateen.

 

Waxaa hadda kahor dhacday markii Shabaab galayeen Villa Soomaaliya in dadkii ku dhintay Dublumaasi Jabuutiyaan ah, kadibna Mobile-kiisa lagahelay fariin dhaheeysa, “5-Daqiiqo gudaheed uga bax Villa Soomaaliya!”.

 

Waxaa sidoo kale jirtay in habeen habeenada ka mid ah “Wiil” fariin loosoodiray, fariintu waxeey laheyd sidan: “Halkeed joogtaa hebeloow?”. Wuxuu kujawaabay Hotel hebel”, waxaa lagu yiri: “Oo Hotel hebel soow qarax kama dhicin?”. Wuxuu ugu jawaabay, “Maya!”. Dhowr daqiiqo kabacdina Hotel-kii oo dhanbaa qarax lagariiray, xabadina jiho kasta isqabsatay.

 

Fariimayaa waxaa la iixaqiijiyey ineey xitaa soogaraan rag agaasimayaal guud ka ah wasaaradaha dowlada kuwaasoo gaarigooda iyo istaafkooda uyeerta, wasaaradana isaga baxa iyagoon shaqaalaha kalee wasaarada aan waxba uga sheegin. Waxa Caasimada kasocda wax cidkasta fahmikarto maaha. Al-Shabaab waa Kaar lagu qaraabto, waxkaatoo Xamar kadhaca Al-Shabaab mawada fuliso, ama kaligeed mafuliso, laakiin weey wada sheegataa.

Like it? Share it!

Leave A Response