Maamul Cusub oo loo doortey Degmada Diinsoor

by admin | Wednesday, Jan 22, 2020 | 530 views

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtey doorashada guddoomiyaha degmadaas iyo  kuxigeenkiis,kuwaas oo ay doorteen ubnaha Golaha deegaanka oo ka kooban 21 Xubnood.a

Doorashada guddoomiyaha degmada Diinsoor ayaa waxaa ku tartamey Cabdisalaan Xaaji Siidow Maxamed & Aamino Ibraahim Xassan,waxaana guddoomiyaha degmada diinsoor ku guuleystay Cabdisalaan Xaaji Siidow Maxamed oo helay 18 dhibcood halka Aamino Ibraahim Xassan ay heshay 3 Cod.

Sidoo kale waxaa dhacdey doorashada Guddoomiye kuxigeenka degmada Diinsoor oo ay ku tartameen Nuuney Cabdi Xassan iyo Aweys Sheekh Cali Ibraahim,waxaana tanaasulay Nuuney sidaasi waxaa gudoomiye ku xigeenka degmada ku guuleystay Aweys Sheekh Cali.
Abdukadir Shacbaan Mohamed guddoomiyaha gudiga doorashada ayaa shaaciyey natiiyada codeynta iyo tirada ay kala heheen,

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha koonfur galbeed Mudane Maxaamed Abuukar Cabdi ayaa u mahadceliyey guddiga ka kala socday Wasaaradda arimaha gudaha kgs wasaaradda arrimaha gudaha federaalka,xubno ka socday wasaaradda haweenka,iyo kusimaha mareeyaha mashruuca xasilinta Cabdiraxmaan Cali gaab,isagoona hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub iyo gudoomiye ku xigeenka degmada.

Like it? Share it!

Leave A Response