Maamul Goboleedkii ugu horreeyay oo taageeray heshiiskii Somalia & Itoobiya{akhriso}

by admin | Tuesday, Jun 19, 2018 | 903 views

Sabtidii ayay aheyd markii Muqdisho ay heshiis dhinacyo badan taabanayey ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed oo booqasho hal maalin ah ku yimid Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa qodobada qaar waxaa dhaliil ka muujiyey Siyaasyiinta Soomaaliyeed qaarkood iyo Shacabka intaba,balse waxaa shaaciyey in uu soo dhaweynayo Dowlad goboleedka Hir-Shabelle.

Maxamed Cabdi Waare Madaweynaha Maamulkaas Hir-Shabeelle ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid ay dan weyn ugu jirto maamulkiisa,isla markaana uu rajeynayo In Ganacsiga Itoobiya iyo Hir-Shabeelle uu noqdo mid isku furma.

Waxa uu soo hadal qaaday qodob ka mid ah heshiiska oo ahaa maalgashiga dowladda Itoobiya ee 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya,waxa uuna sheegay in dekada ugu horreysa ay noqon doonto mid laga dhisayo degmada Cadale taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo la qaaday.

In kastoo dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin dekadaha Itoobiya ay maalgashan doonto ayaa hadana Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu shaaciyey in ay go’aan dowladda ka gaari doonto,iyada oo la wada ogyahay in dekadaha dalka ay ku wada yaallaan intooda badan deegaanada Maamul goboleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response