Maamulada Hir-Shabeelle & DDS oo iska kaashanay Amniga xaduudka

by admin | Tuesday, Dec 7, 2021 | 344 views

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Bakaay ayaa gaaray deegaano ay maamulaan Maamulka Dowlad Deegaanka Somalida Ee Itoobiya
Socdaalka Wafdiga Taliye Bakaay ayaa ku saleysan qorshaha lagu Xoojinta amaanka xuduudaha iyo deegaanada ku teedsan Gobolka Hiiraan.

Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Fedaraalka Itoobiya iyo kuwa dowlad deegaanka waxuuna kala hadlay iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta amniga.
Wafdiga taliyaha ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Jawiil Cabduqaadir Dheere, Guddoomiyihii hore ee Maxaas Cabdi Xiish iyo masuuliyiin kale kuwaas oo Maamulka doad degaanka Soomaalida kala hadlayay amniga xaduudka.
Maamulka Hir-Shabeelle & Dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhowr jeer waxaa ay wada galeen heshiis iskaashi oo ku saabsan dhanka Amniga kadib markii xaduudka labada Maamul kusoo bateen Colaad Beeleedyada.

Like it? Share it!

Leave A Response