Maamulka G/Gedo oo soo bandhigay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

by admin | Friday, Oct 16, 2020 | 380 views

Maamulka degmada Beled-Xaawo & Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandigeen Saddex Rag ah oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Ciidanka isku soo dhiibay.

Raggaan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada  Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin & mas’uuliyin kale.

Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa Saddexda Ragga ah Magacyadooda waxaa uu ku kala sheegay Maxamed Qani Shide Ibraahin oo watay Qori AK47 ah, Cabdiqadir Ibraahim Cabdullaahi oo watay  Qori AK47 & , Cabdicasiis Maxamed Koosaar, kuwaas oo uu sheegay inay isa-soo dhiibeen.

Ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ee la sheegay inay Ciidamada Dowladda isku soo dhiibeen ayaa waxaa ay ka howlgeli jireen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, balse ay haatan isaga baxeen Al-Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab waxaa ay si gooni gooni ah u soo bandhigeen Ciidamo iyo Xubno uu midba midka kale ku sheegayay in uu isku soo dhiibay.

Like it? Share it!

Leave A Response