MAAMULKA GAARISA OO CIIDAN DHEERAAD AH KA DALBADAY DOWLADDA KENYA.

by admin | Monday, Sep 17, 2018 | 904 views

Maamulka Magaalada Gaarisa ayaa baaq u diray Dowladda Kenya,waxaana ay ka codsadeen in wax laga qabto amniga Gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida.

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunoow Qorane,Senatar Yuusuf Xaaji, wakiilka Haweenka ee Gaarisa,Canab Guure iyo Xildhibaannadda Gobolka Ijaara Safiya Cabdi Nuur ayaa ka hadlay weerar Jimcihii ay AL-shabaab ka geysteen duleedka Gaarisa.

Weerarkaas ayaa lagu qaaday Bas marayay duleedka Gaarisa,waxaana dadka loo kala saaray Muslim iyo Gaalo,iyada oo ay Al-shabab ka heleen saddex qof oo aan Muslim ahayn.

Labo ka mid ah ayaa ku fashilmay in ay aqriyaan Towxiidka iyo Aayadaha Suuratul Faatixa,waxaana ka badbaaday Nin Macallin ahaa oo Towxiidka iyo Faatixada aqriyay,halka labadii kale la dilay.

Mas’uuliyiinta ka hadashay weerarkaas ayaa dowladda ka codsaday in Ciidamo dheeraad ah la geeyo sohdinta Soomaaliya si looga hortago Ciidanka AL-shabaab ee sohdinta ka gudbaya.

Laakiin dadkii kale ee saarnaa Baska la weeraray ayaa sheegay in dhamaan 7-da qof ee weerarkaas geystay ay ku hadlayeen Afka Sawaaxiliga oo ay Kenyaan u badnaayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response