Maamulka Gobolka Hiiraan oo Dalbaday in laga Taageero Dib u dayactirka Isbitaalka Baladweyne.

by admin | Saturday, Mar 24, 2018 | 1614 views

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dib u dayactir ku sameynayaan Isbitaalka Magaalada Baladweyne oo sheegeen in ay adeegyo Caafimaad u doontaan dadka ka baxsay Gobolka Hiiraan.
Shiikh Xuseen Cismaan Cali Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Ahna Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la hadlay  warbaahinta   ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu dayactirayo isbitaalka Magaalada Baladweyne.
Xiliyada kuleelaha iyo waqti roobaadka ayuu tilmaamay in ay u badan yihiin dadka baahida u qaba adeegsada isbitaalka, iyagoo taasi ka duulaya waxa uu sheegay in ay wadaan qorshaha dib u dayactirka loogu sameynayo.
Maamulka Isbitaalka ayuu tibaaxay in uu la kulmay isla markaana ay u sheegeen in deeqdii Dawada aheyd ee Turkiga geeyay Isbitaalkaasi ay sii dhameeneyso, Xiliyadaan oo kalana isbitaalka uu qaabilo dadka uu soo rito Shubanka, waxa uuna dalbaday in fiiro gaar ah loo yeesho.

Jaaliyadda Gobolka Hiiraan, Xildhibaanada labada Gole ee Dowladda Federaalka, Kuwa Hir-Shabeelle, Hay’adaha Samafalka iyo Cid waliba oo howshaan ka taageeri karto ay ka taageeraan.
Shiikh Xuseen oo Fariin furan u diray guud ahaan dadka Gobolka Hiiraan waxa uu dhankooda ka dalbaday in ay iyaga iska bilaabaan qorshaha dib u dayactirka loogu sameynayo Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne, kadibna ay sugaan Kaalmooyinka kale ee ay ka helaan Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka.
Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne ayaa qaabila bukaano la kala keeno Degmooyinka Gobolka Hiiraan iyo Deegaanada Soomaalida ee dhaca Soohdinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

Like it? Share it!

Leave A Response