Maamulka Gobolka Hiiraan oo Guulo ka sheegtay Dagaalo ka dhacay Gobolkaasi.

by admin | Monday, Mar 26, 2018 | 1119 views

Saacadihii lasoo dhaafay ayay Maamulka Gobolka Hiiraan sheegeen in ay howlgalo ka sameeyeen qeybo kamid ah Gobolkaasi, waxa aynta tilmaameen in ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhaca Hiiraan.
Xuseen Cismaan Muumin Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan oo La hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda oo kaashanaya Dadka Deegaanka ay ku baxeen Deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay in ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaanada qaar, kadib markii uu sheegay in ay isaga baxeen Ciidamadii Al-Shabaab ee halkaa ku sugnaa sida uu hadalka u dhigay.

Xuseen ayaa tilmaamay in Arrintaan looga gol-leeyahay sidii guud ahaan Gobolka Hiiraan ay ugu saari lahaayeen Xarakada Al-Shabaab, oo iminka qeybo kamid ah ay ku sugan yihiin.
Isku dhacyo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan, Maamulka Gobolka ayaa sheegtay in ay la wareegeen deegaano dhaca Hiiraan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ay kaga hadlayaan arrintaan.

Like it? Share it!

Leave A Response