Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay weerar lagu dilay askari, Mid kalena lagu dhaawacay oo ak dhacay Duleedka Baladweyn

by admin | Thursday, Jul 12, 2018 | 1032 views

Afayeenka Maamulka Gobolka Hiiran ayaa Faah Faahin ka Bixiyay Weerar lagu Dilay Askar ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya Oo Fariisan ku lahaa Duleedka Deegaanka Gambar Laawe oo ka tirsan deegaanada Dacalka ku yaaha Magaalada Beledweyne.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe (Caga-joof) ayaa waxa uu sheegay in ay soconayaan Howlagllo Baaritaan ah oo lagu Doonayo in lagu Ogaado cidii ka Dambeysay Dilka Askariga iyo dhaawaca Soo Gaaray Askari Kale.

Dhaawac Fudud ayuu sheegay in uu soo Gaaray Askari ka mid ah Askarta lagu Weeraray Deegaanka Gambar Laawe.

Afhayeen Dabaashe ayaa sidoo kale sheegay in Aan laa Hordhicin Baaritaano ka socda Xaafadaha Gudaha Magaalada Beledweyne iyo Deegaanada ku dhow dhow.

Deegaanka Gambarlaawe ayaa waxa uu ka mid yahay Deegaanada Fariisamaha ay ku leeyihiin Ciidamada Dowlada Soomaaliya halkaasi oo hada ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Dolwada Soomaaliya si gacanta loogu Soo dhigo Kooxihi Weerarka ku soo Qaaday deegaanak. dhinaca kale Askari ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta qof shacab ah ku dhaawacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Qofka la dhaawacay ayuu dhaawaciisa uu daran yahay haddana lagu dabiibayo isbitaalka dhexe ee magaalada Beladweyne.

Lama oga sababta ka dambeysa in Askariga ka tirsan Ciidamada dowlada uu dhaawaco qofkaasi shacabka ah, mana jiraan ilaa iyo hadda cid ka hadashay dhacdadaas

W/D: Bashiir cabdulahi cismaan

Baladweyne,soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response