Maamulka Hir-Shabeelle oo digniin kasoo saaray dagaal Beeleedyada

by admin | Thursday, May 13, 2021 | 259 views

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa ka hadlay Colaad beeleedyada kusoo laab laab tay degaannada Maamulkaas, kuwaas oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Yuusuf Dabageed ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool degaannada Hir-Shabeelle inay ka waantoobaan Colaad Beeleedyada, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka lagu dhameeyo, sidoo kalena dagaal uusan waxba soo kordhineyn.

Waxa uu ka digay dagaal Beeleedyada soo laab laabtay, waxaana uu sheegay in kuwa dadka danta gaarka ah ka dhex raadinaya Colaada uu Alle ka dhex saaro si Bulshada ay Barwaaqo iyo bashbash ugu wada noolaadaan.

Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Ax med Hagar (Dabageed) waxaa u sheegay in ka maamul ahaan ay bulshada ku nool degaannada Hir-Shabeelle ugu adeegi doonan si wanaagsan.

Hadalka Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Ax med Hagar ( Dabageed) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer degaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ay ka dhaceen dagaal Beeeedyo khasaaro geystay.

Like it? Share it!

Leave A Response