Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay dilka Xildhibaanka

by admin | Sunday, Jul 5, 2020 | 407 views

Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle,kaas oo saakay Al-Shabaab gaari kala dageen,kaidbna ay dileen.

War kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa loogu tacsiyadeeyay Ehellada marxuumka,isaga oo Alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabaab ayaa ugu baaqay Xildhibaannada kale ee Hir-Shabeelle inay ka feejignaadaan weerarada uga imaan kara Al-Shabaab xilliyada ay ku guda jiraan socdaalka Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Hoos Ka Akhriso Warka kasoo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle.

Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho.

Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Mohamed Siyaas waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle

Like it? Share it!

Leave A Response