Maamulka Hir-Shabeelle oo shaaciyey tirada dadka ka barakacay fatahaada

by admin | Thursday, Oct 24, 2019 | 708 views

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan  Cali Muxumed Caraalle, iyo Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdi ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Xaafadaha Magaalada oo saameyn culus ay ku yeesheen Fatahaada Wabiga, iyagoo u kuur galaya xaaladda iyo saameynta biyaha, iyadoo ay socdaan dadaalo dadkaasi lagu samatabixinayo.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muxumed Caraalle  ayaa sheegay in tiro ka Badan Konton Kun oo Qoys ay ka Barakaceen Fatahaada Wabiga Xaafadaha Howlwadag Xaawo Taako iyo Kooshin dadkaasi oo u barakacay Degaanka Ceeljaalle Ee Duleedka Beledweyne

Guddoomiye Caraale wuxuu shregay inay Bulshada soo wajahday saameyn ba’an oo waxyeelo u geysatay Bulshada Baladweyne,waxaana uu ugu baaqaycid kasta oo awooda inay dadkaasi u soo gurmato.

Like it? Share it!

Leave A Response