Maamulka Hir-Shabeelle oo Wafdi u diray degmada Buulo Burde

by admin | Thursday, Aug 6, 2020 | 415 views

Guddoomiyaha Maxkamadda rayidka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy iyo Wafdi uu hoggaaminay ayaa waxaa ay gaareen degmada Buulo Burde ee Gobolka hiiraan, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Buulo burde ku soo dhaweeyay maamulka degmada oo ugu horeeyo guddoomiyaha degmadaas Feysal Haajir Aadan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Guddoomiyaha Maxkamadda rayidka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Garoonka diyaaradaha Buulo burde ayaa sheegay in u jeedka ay halkaasi u tageen ay tahay howlo la xiriira xoojinta Maxkamadda iyo xukuno kala duwan oo ay halkaas maxkamadda ka fulin doonto.

Facebook

Twitter

Pinterest

Telegram
Like it? Share it!

Leave A Response